Deeq A. Posted Thursday at 11:22 AM BANKA GOOBAALE HADDII BEERO LAGA SAMEEYO WAA LA QAYLINAYAA. Goobaale waa banweyn oo ku yaalla waqooyiga bariga fog ee burco waa ban halis ah, waa boodh is dul fuulay, maalintii dadku ma dhex maraan oo harraad ayaa loogu dhintaa, waa tii fannaanaddii Marwo maxamad lahayd goobaale ban ahoo gaajo iyo oon leh gabal maygu dhacay. Ta maanta taagan hadday dawladdu tidhaahdo barwaaqaanu ka dhigaynaa cidi yeelimayso buuq iyo qaylaa bilaabmaysa ee dadyahow dantiinna raaca. Buuraha golis iyo badda haddii loo dhaqaaqo waynu ku liibaanaynaa ee dadku waa inay dantoida gartaan waxaynu u baahanay dhaqaale haddii aan dalka dhaqaale loo raadin nolosha iyo nabadduba halis ayay gelayaan. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites