Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo eedeyn usoo jeediyay Madaxweyne Guudlaawe kana hadlay doorashadii maanta ka dhacday Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar Balcad, ayaa si adag uga hadlay doorashadii lagu qabtay degmada Balcad, isaga oo eedeyn culus u jeediyey hoggaanka maamulka Hirshabeelle, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe.

Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay “doorasho ku sheeg” taas oo ku dhacday xilli aan habboonayn, xadgudubna ku ah heshiisyadii horey loo gaaray iyo shuruucda dalka u yaalla.

Waxa uu tilmaamay in ay nasiib darro tahay in maamulka Hirshabeelle uu ku mashquulsan yahay qabashada doorasho dadban oo xiligeedii dhacay, halkii uu ka qeyb qaadan lahaa diyaar-garowga doorashada qof iyo cod ee ay ka go’an tahay dowladda federaalka.

“Waxaa nasiib darro weyn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, iyadoo aan dhawaan aragnay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo saf ugu jira isdiiwaangelinta doorashada qof iyo cod, in uu Maamulka Hirshabeelle ee Madaxweyne Cali Guudlaawe mashquul ku yahay qabashada doorasho dadban oo waqti-geedii dhammaaday,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiiru-dowlaha ayaa doorashadii maanta lagu qabtay degmada Balcad ku tilmaamay mid sharci darro ah, kuna xad-gudubtay heshiisyadii ay horay u gaareen Guddiyada Doorashada iyo shuruucdii ay ansixiyeen golayaasha qaran. Waxa uu sheegay in tallaabadaasi ay abuurayso khilaaf, walwal siyaasadeed, iyo isku dhac beeleed, taasoo dhaawici karta xasiloonida gobolka.

Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweyne Cali Guudlaawe in uu ku deydo saaxiibadiis, Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kuwaasoo si buuxda ugu hawlan diyaarinta doorashada qof iyo cod ee ay dhammaan dhinacyadu saxiixeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this