Deeq A. Posted July 7 Kampala (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa adkeeyay taageeradiisa Soomaaliya, isagoo shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah oo lagu daray sanduuqa kaydka xaaladaha degdegga ah, taas oo lagu taageerayo hawlgalka AUSSOM. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), oo kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya iyo hawlgalka cusub, ayaa caddeeyay ka-go’naanshihiisa taageerada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta. Goluhu wuxuu shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah, taasoo wadarta guud ee la heli karo sanadkan 2025 ka dhigeysa $20 milyan, si loogu taageero hawlgalka AUSSOM. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo saaxiibada kale inay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo loogu talagalay AUSSOM, si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wado hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya. Goluhu wuxuu muujiyay walaac ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay ciidamada ammaanka inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada, iyagoo helaya taageero joogto ah oo ka timaada saaxiibada caalamka. Dhinaca kale, goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland, inay qayb ka noqdaan hannaan wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo uu dowladda federaalka ku ammaanay dadaallada ay ku doonayso dardar-gelinta ajendayaasheeda qaran. Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika ayaa toddobaadyada soo socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbin doona warbixin dhameystiran oo la xiriirta saldhigyada cusub ee AUSSOM, saadka, iyo baahiyaha duulimaadyada. Share this post Link to post Share on other sites