Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xaqiijisay in dekedda Garacad lagu wareejin doono shirkad Imaaraati ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250703_164512125.jpg?resize=100

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta xaqiijiyay in dekedda magaalada Garacad lagu wareejin doono shirkad laga lee yahay waddanka Imaaraadka Carabta oo doonaysa in ay maalgelin ku samayso.

“Dekedda Garacad oo muhiim ahayd, waxaad ogtihiin mudda waxa socday wada-hadal dhinaca farsamada ah oo shirkadda Wadaagsin iyo shirkad laga lee yahay Imaaraadka Carabta oo doonaysa in ay la wareegto dekedda Garacad, si ay maalgelin ugu samayso dekedda” ayuu yiri Siciid Deni oo warkan sheegay isagoo ku sugan degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

“Labadii Shirkadood oo aan cidna ku dhex jirin oo dowladdu ku dhex jirin ayaa keligood mudda ka wada-hadlayay arrinta dekedda Garacad, hadda arrimihii farsamada oo dhan waa soo dhammeeyeen, waxaana rajaynayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan arrintaasi u hirgasho” ayuu warkiisa sii raaciyay Madaxweyne Deni.

Wuxu sidoo kale sheegay in uu socdo qorshe lagu dhisayo waddo isku xirta dekedda Garacad iyo kastamka Tuurdibi ee degmada Galdogob, taasi oo fududayn doonta gudbinta badeecadaha ganacsi ee laga raro dekedda Garacad, kuwaasi oo loo wado dalka Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo xaqiijisay in dekedda Garacad lagu wareejin doono shirkad Imaaraati ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this