Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha degaanka degmada Carmo ee gobolka Bari oo maanta guddoomiye cusub doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751647448258.jpg?resize=1000%2C6

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa maanta degmada Carmo ee Gobolka Bari ku qabatay doorashada guddoomiyaha cusub ee degmada Carmo, kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee degmadaasi.

Guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Degmada Carmo waxaa isu soo taagay Hal Musharax oo ah Maxamed Geelle Siciid, sidaasi darteed, waxay doorashadaasi u dhacday hab gacan-taag ah waxaana Guddoomiyaha cusub u codeeyay dhammaan 27 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Degmada Carmo ka koobanyahay, majirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

Waxaa datiijada Rasmiga ah ee doorashada duqa cusub ee degmada Carmo ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, intaas kadib waxaa la guda galay daarinta Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Carmo, Maxamed Cali Shire oo si rasmi ah isaga casilay xilka Guddoomiyaha Degmada June 26, 2025, waxa uu isla maanta oo taariikhdu tahay July 04, 2025, xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub ee la doortay.

PUNTLAND POST

The post Golaha degaanka degmada Carmo ee gobolka Bari oo maanta guddoomiye cusub doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this