Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmada Boosaaso oo saaka xilkii iska casilaya kaddib markii uu wajahay mooshin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751693192854.jpg?resize=1000%2C6

Gudoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifitaax Maxamed Cismaan (Shanle) ayaa lagu wadaa in uu saaka si rasmi ah xilkii isaga casilo, kaddib markii uu wajahay mooshin xooggan oo uga yimid xubnaha golaha degaanka degmadaasi.

Guddoomiye Cabdifitaax Shanle ayaa qorshaynaya in uu is casilaaddiisa kaga dhawaaqo Kal-fadhiga golaha degaanka degmada Boosaaso oo Sabtida Saaka ah furmaya, kaddib markii inta badan xubnaha golahaasi ka diyaariyeen mooshin xilka qaadis ah.

Ilaa 26 xubnood oo ka tirsan golaha degaanka Boosaaso oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii degmada Bashiir Faarax Siciid ayaa diyaarinayay mooshinka xilka qaadista guddoomiye Shanle oo ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay shaqada degmada islamarkaana waxqabad la’aan ku sifoobay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha degmada Boosaaso oo saaka xilkii iska casilaya kaddib markii uu wajahay mooshin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this