Sign in to follow this  
Deeq A.

Maayirkii degmada Boosaaso oo saaka ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751707139731.jpg?resize=1000%2C6

Gudoomiyihii degmada Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle ayaa Saaka oo Sabti ah ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii, kaddib markii ay mooshin ka soo gudbiyeen xubno ka tirsan golaha degaanka degmadaasi.

” Maanta oo ay taariikhdu tahay 05/7/2025, waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha degaanka ahna duqa degmada Boosaaso” ayuu yiri maayirkii Boosaaso, Cabdifitaax Xaaji Shanle oo warkan kaga dhawaaqay Kal-fadhigii golaha degaanka Boosaaso oo saaka furmay.

“Maalintan xafiiskan imaanayay oo hadda laga joogo mudda laba sano ah, waxaan si hufnaan iyo xilkasnimo ah ugu soo shaqeeyay umadda ku dhaqan magaalada Boosaaao, aniga yoolkeygu kursi ma ahayn ee wuxuu ahaa in aan wax u qabto dadweynaha Boosaaso, wixii aan qaban kareyna waan qabtay” ayuu sii raaciyay Cabdifitaax Xaaji Shanle.

Intaasi kaddib, wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa xubnaha golaha degaanka ku wargeliyay in doorashada Maayirka cusub ee Boosaaso la qaban doono 09/7/2025.

PUNTLAND POST

The post Maayirkii degmada Boosaaso oo saaka ku dhawaaqay in uu xilkii iska casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this