Deeq A. Posted yesterday at 05:30 AM Muqdisho – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad helicopter ah ay ku dhacday Saaka agagaarka teendhada Afisyooni ee xarunta xeendaabta Xalane. Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay si lama filaan ah u soo dhacday, iyadoo ay muuqato in ay jirto khasaare nafeed. Dab xooggan ayaa ka kacay diyaaradda taasoo sababtay in ay gubato guud ahaan. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay AUSSOM ama dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah. wixii kusoo kordha kala soco Goobjoog.com Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites