Sign in to follow this  
Deeq A.

DEGDEG: Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad helicopter ah   ay ku dhacday Saaka agagaarka teendhada Afisyooni ee xarunta xeendaabta Xalane.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay si lama filaan ah u soo dhacday, iyadoo ay muuqato in ay jirto khasaare nafeed.

Dab xooggan ayaa ka kacay diyaaradda taasoo sababtay in ay gubato guud ahaan.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay AUSSOM ama dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah.

wixii kusoo kordha kala soco Goobjoog.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this