Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Colonel Aweis accused Sheikh Shariif as a CIA informer

Recommended Posts

Money, /i]I feel your anger lad, share it with us. Are the supporters of the TFG now putting words into the mouth of Xasan Dahir?

As for the last statement, wonderful, quite poetic and full of passion. The problem is my friend the only group who is made of s single clan, who’s armed groups are a single clan. Who have a team called the “elders of the clan” are your group. So do tell them that qabiil days are over.

 

I would like to add that “fake religious movements” are over, buried and Somalia would be good for it.

 

Kara-Dilla- again it is you who have said and lets put it in the records that your Amir is a CIA spy. My uncle is the President of Somalia and has many allies. That’s the difference between you and me. I support a government, you supported a man who you now claim is a CIA spy as told to you by your uncle Xasan dahir who is a refugee in a country which was beaten by in your words “poorest country on earth”. You are in a very bad state saxib. Even your points are coming back to haunt you

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Uweys:- Waxaa noo cadaatay in Sh. Shariif xiriir la leeyahay Mareykan

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 21-Juun-08

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ka mid ah Hoggaanka Sare ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golahaasi, Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu ka weecday Istaraatijiyadda Isbahaysiga, isla markaana uu khilaafay go'aanka ay Isbahaysiga ku diidanaayeen inay Wada-xaajood galaan tan iyo inta ay Ciiddamadda Ethiopianka ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo Khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Al-sharqal Awsad isagoo ku sugan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu isagu shaqsi ahaan la wareegi doono Xilka Guddoomiyaha Isbahaysiga ARS, marka ay xubnaha Isbahaysigaasi ay bisha soo socoto ee Luulyo 3-da kulanka ku yeeshaan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara.

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inay xubnaha Isbahaysiga go'aan ka qaadan doonaan Sheekh Shariif Shekh Axmed, oo uu ku eedeeyey inuu hareer-maray Xeerarkii Isbahaysiga, gaar ahaan go'aankii Isbahaysiga ARS ee ku aadanaa inaan wax wada-xaajood nabadeed la geli Karin Ethiopianka, tan iyo inta ay Ciiddamadooda ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa kaloo uu Wareysigiisa kaga hadlay Kulankii ay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u jooga Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, wuxuuna xusay inuu xiriirkaasi soo taxnaa tan iyo markii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu isku dhiibay Dowladda Kenya sannadkii 2006-dii, waa sida uu Sheekh Xasan Daahir hadalka u dhigay.

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inuu jiray xiriir qarsoodi ah oo uu Sheekh Shariif la yean jirey Wakiillo ka socday Safaaradda Maraykanka ku leedahay magaalladda Nairobi, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir Aweys sheegay inay Kulamaaasi keeneen in la isweyiiyo xaqiiqda dhabta ee xiriirka u dhexeeya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maamulka Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Dhinaca kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaa wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Keenista Ciiddamadda Nabad-ilaalinta ee dalka Somalia, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, isagoo tilmaamay inaysan Ciiddamadda shisheeyaha waxba ka qaban Karin soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay guul-daraddii ku timid Hawlgalkii Ciiddamadda Nabad-ilaalinta ee Rajo Soo-celinta ee ay QM iyo Dowladda Maraykanka ka fuliyeen dalka Somalia sannadihii 90-aadkii.

 

"Hawlgalkii Rajo Soo-celinta, waxa uu isku beddelay xasuuq iyo in Ciiddamo Maraykanka dilaan dad rayid ah, Culumaa'udiin iyo Aqoonyahanno", ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ay Sirdoonka Dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia ku eedeeyaan inuu ku lug lahaa kharbudaad loo geystay Danaha Maraykanka ku leeyahay Geeska Afrika, inkastoo uu Sheekh Xasan Daahir beeniyey arrintaasi.

 

Sahanmedia Network "SMN"

Mogadisho, Somalia

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this