Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kasoo kordhay diyaaraddii ku burburtay garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa warbixiyay diyaaradda milatari ee maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Axmed Macallin ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo aheyd Helicopter ay lahaayeen ciidamada howlgalka AUSSOM, isla markaana ay kasoo kacday garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maareeyaha ayaa xusay in cilad ay ku timid diyaaradda, kadib markii ay dul timid garoonka ay kusoo dhacday qaybta xigta Afisyoone, halkaas oo ay gebi ahaan ku gubatay.

“Saaka aroortii diyuurado normali kusoo kici jiray, si caadiyan ah kasoo bixi jiray garoonka Ballidoogle oo imaan jiray magaalada Muqdisho diyaaradahaas oo ay lahaayeen ciidamada Howlgalka AUSSOM markii ay diyaaradda timaaday garoonka Muqdisho dushiisa ayaa wax ku dhacayba kolley baaritaanka ayaa sheegi doona ku dhacday qaybta Afisyoone ee garoonka Aadan Cadde

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in diyaaradda ay la socdeen illaa 8 qof, welina aynan ogeyn xaaladdooda, maadaana weli uu socda gurmadka iyo damninta dabka ka dhashay burburka diyaaradda.

“Illaa iyo hadda macluumaadka aan hayno, maadaama ay wei arrintu socoto oo qolada dab damiska la tacaalayaan. Sideed qof ayaa diyaaradda saarnaa,mana ogin illaa iyo hadda in ay badbaadeen iyo in waxyeelo gaarto, laakiin dib ayaan ka ogaan doonaa” ayuu raaciyay.

Axmed Macallin oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qaybta ay kusoo dhacday diyaaradda ay xireen maadaama uu burburka saameeyay, laakiin shaqadii kale ay garoonka ay socoto, diyaaradana ay soo dageen iyo kuwa kalen ay haatan ka duuleen Aadan Cadde.

Dhacdadan ayaa si weyn u tabisay warbaahinta, iyada oo baraha bulshada sidoo kale lagu faafiyay burburka diyaaradda uuro ka dhalatay dabka oo qabsatay hawada garoonka.

Shilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo horraantii bishii April ee sanadkan ka dhacay garoonka Muqdisho, kadib markii diyaarad nooceedu ahaa De Havilland Dash 8 (DH8D) ay shil ku gashay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana ku timid cilad farsamo.

Ma jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga reebo burburka soo gaaray diyaaradda, sida ay horay u shaacisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha’ahaatee, Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this