Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Banaanbax xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo xaalad jahwareer oo taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax xooggan ayaa ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta.

Dhalinyaradan ayaa ka cabanaya lacago xad dhaaf ah oo ay sheegeen in laga qaado iyo jirdil ay sheegeen in ciidamada ammaanku kula kacaan. Cabashadooda ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah in laga xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa xirtay wadada KM4, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka gaadiidka, iyadoo halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan laamaha ammaanka oo isku dayaya inay kala eryaan banaanbaxayaasha.

Ciidanka ayaa adeegsanaya rasaas iyo awood ciidan si ay u kala eryaan dhalinyarada banaanbaxa dhigeyso, kuwaasi oo cabasho ka ah dowladda.

Qaar ka mid ah dhalinyarada dhigaya banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka shaqeysan la’ yihiin ciidamada dowladda, ayna ku hayaan dhibaatooyin hor leh.

“Waxaan ka shaqeysan la’ nahay ciidamada oo na dhibaateeya, waxayna naga qaadaan lacag xoog ah, mid naga mid ahna maanta waa la dhaawacay,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada banaanbaxaya.

Dhalinyaradan ayaa dalbaday in laga dulqaado culeyska la saaray, maadaama ay yihiin muwaadiniin canshuur bixiyayaal.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo laamaha amniga oo la xiriira banaanbaxan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this