Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo lagu eedeeyay inuu xiriir hoose la leeyahay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa lagu eedeeyay inuu si hoose ula shaqeeyo kooxda Daacish. Eedeyntan ayaa waxaa jeediyay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, Sharmaake Yaasiin Beeldaaje.

Sharmaake oo haatan dalka dibaddiisa ku maqan ayaa soo bandhigin wax caddeyn ah oo la xiriirta eedeynta uu u jeediyay Wasiirka Kalluumeysiga Puntland.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in uu lacag ka lunsaday wasaaradda, taas oo uu hore ugu eedeeyay wasiirka, “Ma jirto cid caddeyn u keeni karta” ayuu yiri isagoo sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo uu ka lunsaday wasaaradda

“Majirto meel aan lacag ku dhacay iyo cid caddayn karta, waa been abuur iyo waxba kama jiraan, Wasiir Xagaa weligiis buu dadka aflagaadeyn jiray tana lagaga hari maayo oo caddaynteeda looga baahan yahay’” ayuu yiri Sharmaake Beeldaaje.

Wasiirka Kalluumaysiga Puntland oo maalin ka hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaale tiro badan oo shirkado kaluumaysi laga qaaday ay maqan tahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in lacagtaas oo aad u tiro badan uu lunsaday Agaasimihii hore ee wasaarada Sharmaarke Beeldaaje. Dhaqaalahan ayaa yimid dad doonayay shatiyo iyo adeegyo dowladeed.

Arrintan ayaa muujinaysa heerka musuqmaasuqa ee ka jira hay’adaha maamulka Puntland, taasoo ay dhiirigelinayso isla-xisaabtan la’aanta ka dhex jirta maamulka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this