Sign in to follow this  
Deeq A.

War ka cusub markabkii shidaal sahminta ka sameeyey xeebaha Soomaaliya oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Markabka sahminta shidaalka ee Oruc Reis ayaa dib ugu laabtay dalka Turkiga, kadib markii uu dhameystay hawlgallo sahamin ah oo uu ka sameeyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa si nabad ah ugu laabtay dalkooda. Markabkan ayaa 15-kii Juun laga sagootiyay xeebaha Muqdisho, waxaana halkaas ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu ku sugnaa badda Soomaaliya, wuxuu sahamin ka sameeyay saddex goobood oo biyo ah, kuwaas oo dhuleed ahaan lagu qiyaasay 4,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Hawl-galkan uu markabku fuliyay wuxuu qayb ka ahaa heshiiska iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo diiradda lagu saaray sahminta iyo soo saarista kheyraadka shidaalka.

Waxaa hadda la filayaa in la bilaabo falanqaynta xogta uu markabku soo ururiyay, taas oo lagu ogaan doono xogta shidaalka ee ku jirta badda Soomaaliya. Natiijooyinka sahanka rasmiga ah ayaa la rajeynayaa in lagu dhawaaqo muddo bil ilaa laba bilood gudahood ah.

Natiijada baaristan ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga Turkiga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in khayraadka looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Tan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodanka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this