Sign in to follow this  
Deeq A.

Iran oo shaacisay tallaabooyin ay qaadeyso hadii Israel ay beegsato Ayatollah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Iran, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay diyaariyeen tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii Israa’iil ay beegsato hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah, taas oo ay sheegeen inay horseedi doonto in Israa’iil laga waayo qariiradda adduunka.

La-taliyaha sare ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Ahmad Vahidi oo waxyar ka hor waraysi siiyay Al Jazeera ayaa arrintan ka hadlay isagoo aad ugu goodiyey cadowga dalkiisa ee Israa’iil.

“Waxaan wajahnaa cadow khiyaano badan, weerar kale oo uu soo celiyo waa suurtagal, ciidamada Iiraan-na waxay diyaar u yihiin inay si xooggan uga jawaabaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray La-taliye sare Ahmad Vahidi.

Iiraan, waxay u muuqataa inay isku diyaarinayso dagaal kale, waxaana heegan ku jira dhammaan ciidankeeda.

Sidoo kale, Iiraan ayaa diyaarineysa inay gunta badda ee marinka Hormuz oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan caalamka ee wax ka badan 20% shidaalka caalamka uu ka gudbo ay ku aasto bambooyin qaraxyo burburin ah dhalin kara.

Iran waxay diyaarineysaa qorshe lagu quusinayo maraakiibta, haddii Mareykanku iskudayo in maraakiibtiisa dagaalka uu ku weeraro Iiraan inuu marinkaas keeno.

Labo maalin ka hor sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Iran ayaa sheegay in dowladda Tehran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay “si xooggan uga jawaabto” haddii Israel jabiso joojinta dagaalka.

Tani waxay qayb ka tahay xasillooni la’aanta joogtada ah ee ka dhalatay weeraradii Israel ku qaaday xarumaha nukliyeerka iyo milatari ee Iran (oo loo bixiyay “Operation Rising Lion”) bishii Juun 13 ilaa 24, halkaas oo Iran ay ku beddeshay weeraro badan oo gantaallo iyo droneyo ah.

Hanjabaadda cusub ee Iran waa digniin cad oo ku saabsan inaysan aqbalayn wax tallaabo ah oo ay Israel qaado, gaar ahaan kuwa jebiya joojinta colaadda. Inkastoo aan weli la qaadin tallaabo qorsheysan, hadana waxay labada dal ku jiraan xaalad feejignaan ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this