Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo abaal-marin iyo dallacsiin isugu daray askari arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751380153400.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay abaal-marin lacageed iyo dallacsiin isugu daray L/X/Le  Saleebaan Maxamed Warsame oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland, kaasi oo arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Hawlgalka Calmiskaad 05 June 2025.

X/Le  Saleebaan Maxamed Warsame oo ka warbixiyay nafhurnimadii uu ka sameeyay dagaalka Calmiskaad ee ku mutaystay dallacsiinta iyo abaal-marinta ayaa sheegay in 05 June 2025 uu dagaal adag ka dhacay togga Baallade, gaar ahaanna Ceelka Dacarre, maalintaasi oo ay go’doomeen isaga iyo sarkaal dhaawac ah.

Wuxuu sheegay in uu 24 saac oo xiriir ah la dagaallamayay argagixisadii go’doomisay isaga iyo sarkaalka dhaawacmay, islamarkaana uu ku guulaystay in aysan gacanta cadowga gelin, isagoo maalintii labaad ciidamada dowladda ku soo hoggaamiyay halkii ay ku go’doomeen isaga iyo sarkaalka dhaawacmay.

“05 June 2025 ayaanu galnay dagaal adag oo ka dhacay togga Baallade gaar ahaan Ceelka Dacarre, waxaana dagaalkaasi ku go’doomay aniga iyo sarkaal saaxiibkay ah oo dhaawacmay, halkaasi oo aan 24 saac oo xiriir ah ka dagaallanaynay cadowga dhexdiisa (Daacish), aniga oo saaxiibkay iyo naftayda ka badbaadiyay in aan gacanta u galno argagixisada” ayuu yiri L/X/Le  Saleebaan Maxamed Warsame.

“Maantii labaad waxaan ciidankeenni ku soo hoggaamiyay halkii dhaawaca saaxiibkay yaalla oo cadowguna joogay si na loo badbaadiyo, waana nala soo badbaadiyay, halkaasi oo aan cadowgii kaga guulaysanay kuna burburinay, ciidankana aan waxba soo gaarin” ayuu sii raaciyay L/X/Le  Saleebaan Maxamed oo ka warbixinayay sababtii uu ku mutaystay dallacsiinta iyo abaal-marintii xalay.

Wuxu intaasi ku daray in dowladda Puntland diyaarad khaas ah kaga soo qaaday degaanka Dhaadaar ee buuraha Calmiskaad, kaddib markii amar Madaxweyne ku soo baxay, si abaalmarinta iyo dallacsiinta loogu siiyo Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo abaal-marin iyo dallacsiin isugu daray askari arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this