Sign in to follow this  
Deeq A.

Sharma’arke Beeldaaje: Wasiirka Kalluumeysiga Puntland wuxu xiriir hoose la lee yahay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1751440306720.jpg?resize=1000%2C6Sharma’arke Beeldaaje

Agaasimihii wasaaradda Kalluumeysiga Puntland, Sharma’arke Yaasiin Beeldaaje oo dalka dibaddiisa ku maqan ayaa beeniyay in uu lacag ka lunsaday wasaaraddaas, oo aysan jirin cid caddayn u keeni karta eedeynta loo jeediyay.

Sharma’arke Beeldaaje oo ka jawaabayay eedeyntaasi oo uga timid wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo uu ka lunsaday wasaaradda, islamarkaana lagu been-abuurtay.

“Majirto meel aan lacag ku dhacay iyo cid caddayn karta, waa been abuur iyo waxba kama jiraan, Wasiir Xagaa weligiis buu dadka aflagaadeyn jiray tana lagaga hari maayo oo caddaynteeda looga baahan yahay ” ayuu yiri Sharma’arke Beeldaaje Yaasiin oo beeniyay warka ku saabsan in uu lacag ka dhacay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.

Dhinaca kale, Sharma’arke Beeldaaje Yaasiin waxa uu wasiir Xagaa ku eedeeyay in uu xiriir hoose la lee yahay kooxda argagixisada ah ee Daacish, inkastoo aanu soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya run ahaanshaha warkiisa, marka laga reebo eedeyn uun.

PUNTLAND POST

The post Sharma’arke Beeldaaje: Wasiirka Kalluumeysiga Puntland wuxu xiriir hoose la lee yahay Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this