Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Somaliland Dhibaa haysata

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20200802-WA0006.jpg
Marka laga hadlayo midnimada dhuleed ee Somalia waxay Ku egtahay dhulkii Somalia la odhan jiray ee Ku eg xaduudka Somaliland ee u dhexeeyay Italy iyo UK ee dunida laga aqoonsanyahay, markaa warbaahinta Somaliland waxay qayb Ka tahay jaahwareerka lagu rido shacabka Somaliland.

Ictiraafka Somaliland sharci ahaa waa dhan yahay oo Somaliland 26/06/1960 ayaa la aqoonsaday lkn la soo noqoshadan aqoonsiga waxa hor taagani waa arrimo siyaasadeed
Sidaas darteed Madaxweynaha Somaliland wuu Ku saxanyahay inuu albaab walba garaaci oo garnaqsado, tegitaanka Qatarna waxuu Ka mid yahay albaabada hore aan inagu isaga xidhnay ee hada Madaxweynahu garaacay khasabna maaha siduu wax u rabo madaxweynuhu inuu markiiba u helo.

Waa siyaasad togan inaanad cid gaara u xidhnaan UAE waxay xidhiidh la leedahay Qatar iyo Israel, Somaliland maaha gobol Ka tirsan imaaraatka carabta ee waa dal u baahan inuu cid kasta xidhiidh la yeesho.
Dalka Masar waxuu xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyahay Ethiopia inaguna waxaan qaadanay fikir odhanaya hadaan Masar la hadalno Ethiopia ayaa inaga cadhoonaysa.

Madaxweynaha waxaan Kula talinayaa si degdeg ah xidhiidh loola sameeyo dalka Masar oo ah furaha siyaasada carabta wax bandana aan wada qabsan karo.
Somaliland waa inay Ka baxdaa siyaasadan ma dhalayska ah ee 34 sano lagu soo jiray waa inay Ka faaiidaysataa is bedelka iyo is diidooyinka gobolka geeska Africa iyo Marin biyoodka Ka socda.

Ibrahim duale Sulaiman
Tallaabo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this