Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qeybdiid oo si yaab leh dowladda ugu eedeeyey dabbaal-deggii maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiqeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in qalbigu xanuunay markii uu arkay qaabka ay dowladda Soomaaliya u xustay toddobaadka xorriyadda, si gaar ah, wuxuu ka carooday in aan la xusin halyeeyadii u soo halgamay xornimada.

Cabdiqeybdiid oo ka hadlay goob lagu xusaayey halgamaa Cabdullaahi Ciise ayaa galabta sheegay inuu ka xumaaday in hal meel aan  dabbaal-deggii toddobaadkaan looga xusin halgankii ra’iisul wasaare hore Cabdullahi Ciise Maxamuud.

“Dadka Soomaaliyeed maysan gudan waajibkii ka saarnaa xuska Cabdullaahi Ciise oo sabab u ahaa inaan Calan yeelano, qalbigaa I xanuunaya, wax aan sheegana ma aqaan, waa nasiib darro wixii maanta dhacay,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Wuxuu si adag u sheegay in dadkii Cabdullahi Ciise uu xornimadooda u soo dagaalamay aysan gudin abaalkiisa oo ay dayaceen taariikhdiisa, xuskiisa iyo xusuustii uu ka mudnaa dadkiisa.

“In maanta feystooyinkii 1-da Luulyo caasimadda Muqdisho laga dhigo, laakiin ciddii gobanimada dhalisay aan la xusin runtii waa nasiib darro, qalbigaan ka xanuunsanayaa,” ayuu yiri Qeybdiid.

Wuxuu intaas ku sii daray in mudnaantii ay halgamayaasha qaar la haayeen dad gaar ah la siiyey, taasina ay qalbi xanuun ku riday, sida uu hadalkiisa u dhigay Cabdiqeybdiid.

“Midda aan maanta arkayo waa nasiib darro, mudnaanta in dad gaar ah la siiyo, fiiri Calankii Jamhuuriyadda ayaa meel kasta la suray, ciddii keentana lama xusayo, wax rabana malaha, waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid.

Halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu door weyn ka ciyaaray keenistii xornimada, madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu kale oo uu ahaa ra’iisul wasaarahii ugu horeeyey ee Soomaaliya ay yeelato.

Hoos ka daawo Senator Cabdi Qeybdiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this