Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanaag: Ciidamo ku sugan magaalada Xiingalool oo beeniyay in ay ku biireen Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
2023-07-16-08-50-55-5835-1689497455.jpg?

Saraakiil ciidan oo ku sugan magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag ayaa beeniyay warar ku saabsan in ciidamo u dhashay degaankaasi ay ku biireen Somaliland.

Taliye Maxamuud Maxamed Jaamac iyo Taliye Maxamed Xasan Shirdoon oo ku sugan Xiingalool ayaa si wadajir ah u beeniyay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in ciidamo ka tegey degmada Xiingalool ay ku biireen ciidamada Somaliland.

“Waxaan halkaan ka caddaynaynaa in aysan jirin wax ciidamo iyo gaadiid ah ama hub ah oo degaankan ka tegey oo ku biiray Somaliland waxaan sheegaynaa aysan waxba ka jirin oo been abuur yihiin wararka sheegaya in ciidamo ka tegey halkaan ay ku biireen Somaliland” ayuu yiri Taliye Maxamed Xasan Shirdoon.

Sidoo kale, Taliye Maxamuud Maxamed Jaamac oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa yiri” Anigoo ah Maxamuud Maxamed Jaamac Buurmadow, waxaan halkaan ka caddaynayaa in aysan jirin wax ciidamo iyo gaadiid dagaal ah oo ka tegey degaanka Xiingalool kuna biiray Somaliland warkaasi waa waxba kama jiraan.”

PUNTLAND POST

The post Sanaag: Ciidamo ku sugan magaalada Xiingalool oo beeniyay in ay ku biireen Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this