Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadii Puntland ee ku soo dhaawacnay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   
1000031445.jpg?resize=1000%2C797&ssl=1

Qaar kamid ah ciidamadii ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad ayaa saaka xirtay wadada laamiga ah ee hormarta isbitaalka guud ee Boosaaso.

Ciidamada dowladda ee ku soo dhaawacmay hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in ay wajahayaan xaalad daryeel la’aan caafimaad ah, islamarkaana waxay ku eedeeyeen guddigii Taakuleynta ciidamada ee Puntland in ay lunsadeen dhaqaalihii shacabka Puntland ugu dhiibeen ciidamada.

“Wax allaale iyo wax naloo qabtay ma jirto, waxaan joognaa isbitaalkii guud ee Boosaaso wax daryeel caafimaad ah kama helin dowladda, dhaqaalihii shacabka Puntland laga ururshay waxaa lunsaday guddi Calooshood u shaqaystayaal ah oo aan wax naxariisa noo gelin” ayuu yiri askari ka tirsan ciidanka soo dhaawacmay.

“Waxaan nahay ciidankii Daraawiishta Puntland ee ku soo dhaawacmay dagaalka Daacish, waxaan ka cabanaynaa in aanan wax daryeel caafimaad ah dowladda ka helin, waxaan dowladd ka codsanaynaa caafimaadkii aan xaqa ugu lahayn in aan ka helno” ayuu yiri askari kale oo isna ku soo dhaawacnay Hawlgalkaasi.

“Isbitaalka guud ee Boosaaso markii nala keenay waxaa nagu dhacday daryeel la’aan iyo caafimaad-darro mana helin wax adeeg caafimaad ah oo ka socda dowladda, marka waxaan ka dalbanaynaa dowladda in ay noo samayso daryeelkii caafimaad ee aan xaqa ugu lahayn” ayuu sii raaciyay askari kale.

PUNTLAND POST

The post Ciidamadii Puntland ee ku soo dhaawacnay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan caafimaad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this