Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax maamuuseed dhigey taallada Dhagaxtuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya halgameyaashii Soomaaliyeed ee naftooda iyo dhiiggooda u huray Xorriyadda Gobollada Waqooyi iyo guud ahaan halgankii gobannimo doonka ee dalka ayaa Ubax dhigay taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Taallada Dhagax-tuur ay tahay astaan u taagan xusuusaha lama illaawaanka ah ee halgankii loosoo galay gobanimada dalkeenna, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jacaylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si loo xaqiijiyo himmilooyinkii Awooweyaasheen ee Soomaaliya xor ah, nabad ah oo horumarsan.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagax-tuur waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaanno, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Muqdisho.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this