Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Eritrea oo si kulul u cambaareysay Dowladda Itoobiya iyo Khilaafka labada dowladood oo cirka isku shareeray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Eritrea ayaa si kulul u cambaareysay Dowladda Federaalka Itoobiya, iyada oo ku eedeysay inay wado olole diblomaasiyadeed oo loogu talagalay in lagu muujiyo Eritrea inay khatar ku tahay Itoobiya, isla markaana ay ku xad-gudubtay dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay fariimo dirayso Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka, kuwaas oo lagu sheegayo in Eritrea ay ku kacayso dhibaatooyin soo noqnoqda iyo faragelin gudaha Itoobiya ah.

Eritrea waxay sheegtay in farriimahaasi yihiin kuwo ku saleysan been-abuur iyo khiyaali siyaasadeed, iyadoo lagu tilmaamay inay yihiin “qorshe cad oo Itoobiya ku dooneyso hurinta dagaal” iyo inay si khaldan uga dhaadhiciso beesha caalamka in ay halis kaga imanayso dhanka Eritrea.

Warsaxaafadeedka ayaa intaa ku daray in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin ay kamid yihiin:

Iibsiga hub tiro badan,

Abaabulka hawlo lagu khalkhal gelinayo xasilloonida gobolka,

Hanjabaado cad-cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Eritrea.

Dowladda Eritrea waxay sheegtay inay muujisay dulqaad “xad-dhaaf ah”, iyadoo ay weli ku dadaalayso inaysan gudo galin fal-celin militari ah. Waxay sidoo kale sheegtay inay ogtahay ajandaha Itoobiya ee ah “in la abuuro iska horimaad dagaal ah oo muddo laga shaqeynayay.”

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this