Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Booliska oo soo bandhigay 17 qof oo askar u badan, kuna eedeysan arrin xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 17 qof oo iskugu jira Askar iyo Shacab ku eedeysan qalqal-gelin amni, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirradooda iyagoo maxaabiis ah.

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha kale ee Amniga Caasimadda Muqdisho ayaa lagu soo qabtay dadkaan oo isugu jira shacab iyo askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Xubnaha la hayo ayaa ku eedeysan inay jebiyeen amarkii lagu mamnuucay in rasaas loo adeegsado dabaal-degyada maalmaha xorriyadda.

Taliska Qeybta Guud ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in baaritaano ay socdaan lagu ogaanayo hadii ay jiraan khasaare ka dhashay rasaastii xalay sida sharci darrada ah loo riday, isla markaana eedeysanayaashan la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo.

Xubnaha hadda la qabtay ayaa gaaraya 17 qof, waxayna hay’adaha amnigu baadi-goobayaan tiro kale oo la tuhunsan yahay in ay xerooyin Ciidan rasaas ka dhex rideen.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Macalin Mahdi oo maalin ka hor shir jaraa’id qabtay ayaa ka digay in rasaas dabaal-deg ah la rido, maadaama dadka Soomaaliyeed ay guda galeen dabaal degyada toddobaadka xorriyadda oo xalay soo bilowday.

Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa caadi ka ahaa jirtay in rasaas lagu dabaal-dego, balse hadda hay’adaha amniga ayaa diiday dhaqankaas, waxaana la soo qabanayaa qofkii ku kacay falkaas, iyadoo bulshada loo soo bandhigo, isaga iyo hubkiisa.

“Waxaan shacabka Caasimadda ugu baaqeynaa inay nala soo wadaagaan xog kasta oo ku saabsan cid kasta oo amniga liddi ku ah, iyaga oo nagala soo xiriiri kara: Xafiiska Gurmadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed: 991 Email: banadir@police.gov.so.” Ayaa lagu yiri farriin ka soo baxday Taliska Qeybta guud ee Booliska Soomaaliya.

ae968e70-a57c-450f-a72f-b6930ec56569.jpe d9be7d49-26f6-40c0-8861-abd62b820789.jpe 8ef57be0-43b3-4eaf-8d1c-c76ef5dd94c0.jpe 7787fb21-77ad-4abc-aebd-080536ae5edc.jpe d6ee7f85-2271-46b4-85f1-f4eab6b5a58c.jpe beedb342-6746-4d6d-95eb-c08a3fc84bfe.jpe e5ed72f9-a49f-4bf2-8dc7-a94c6299abc1.jpe 463067bd-cdd2-44a9-a64a-6244f90b954a.jpe bf75b6b9-2c9f-46e0-807a-66a2447d06a6.jpe d9509faa-1144-4c18-927c-9471ee355b04.jpe edfda02b-c38f-4299-b347-cd9574312162.jpe d3df9ff5-ca19-41a8-b3cb-4db8e0b68c5d.jpe d18616b5-f651-4052-9965-8a259af35aab.jpe e6ae1515-41dd-4072-9697-faa3b47cf7d4.jpe 349b72b3-c6c7-4ee2-bba8-9cb4d173910a.jpe 3f01fc6a-270a-4fbb-bc0d-c07db7f502b7.jpe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this