Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mowqifkooda la sugaya Shirka maanta ee Villa Somalia iyo mucaaridka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-iyo-Madoobe.jpg?resize=1000%2C667&s

Madaxweynayasha Puntland iyo Jubaland oo lagu wado in ay warmurtiyeed ka soo saaraan kulamo siyaasadeed, oo ay Garoowe ku yeesheen ayaa saacado dib u dhigay shaacinta mowqifkooda.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ay maanta Kulan gaar ah oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee dalka yeelan doonaan Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo horay u diiday gogoshii uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Shiikh.

Labada hoggaamiye ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, oo ay maalmahan Garoowe uga socdeen shirar aad loo xadiday xogtooda, oo aysan jirin cid ku wehelisay ayaa sida wararku sheegayaan isha ku haya Kulanka Villa Somalia iyo mucaaridka Muqdisho ka hor inta aysan shaacin mowqifkooda marxaladda taagan.

Ilo wareedyo u dhaw dhinaca Madaxweyne Deni ayaa xaqiijinaya in shirarkii labada hoggaamiye isfaham ku dhammaadeen, oo laga sugayo shaacinta mowqifkooda wadajirka ah ee ku aaddan marxaladda taagan gaar ahaanna qodobada ay ku muransan yihiin dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo mowqifkooda la sugaya Shirka maanta ee Villa Somalia iyo mucaaridka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this