Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex-gudoomiye Cabdirashiid Jibriil oo gobolka Sanaag ka bilaabay dhaq dhaqaaq ka dhan ah xukuumadda Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750829299894.jpg?resize=1000%2C7

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa gobolka Sanaag ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Siciid Deni.

Ex. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo sidoo kale ka tirsan xildhibaannada golaha wakiilada ee wakhtigan ayaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka bilaabay abaabul siyaasadeed oo ka horjeeda Puntland, islamarkaana uu ku raadinayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-khaatumo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale ku eedeeyay xildhibaan Cabdirashiid Jibriil in uu ciidamo heer Federaal ah ka qorayo magaalada Badhan, kuwaasi oo ay mushaarkooda bixinayso Villa Somalia, si ay ugu fuliyaan ajandayaal ka baxsan nidaamka Puntland.

Dhawaan, Baarlamaanka Puntland ayaa ayaa been-abuur ku tilmaamay warar ku saabsan in golaha laga saarayo, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii uu ku biiray siyaasiyiinta mucaaridsan xukuumadda Siciid Deni, islamarkaana taageersan in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Ex-gudoomiye Cabdirashiid Jibriil oo gobolka Sanaag ka bilaabay dhaq dhaqaaq ka dhan ah xukuumadda Siciid Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this