Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo maanta xadhiga ka jaray

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐š๐ฅ๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐ก๐š๐›๐š๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ.

FB_IMG_1750769960824.jpgFB_IMG_1750769952464.jpgFB_IMG_1750769956624.jpg

FB_IMG_1750769965142.jpg

FB_IMG_1750769969083.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta (24.06.2025) xadhiga ka jaray Saldhigga dhexe ee Booliska Caasimadda Hargeysa oo dib-u-habayn iyo dib-u-dhisba lagu sameeyay, waxana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hoggaanka ciidanka Booliska, iyo marti sharaf kale oo ka socotay qaybaha bulshada.

Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, oo ah saldhig caan ah oo astaan โ€‹โ€‹taariikhi ah u ah nidaamka iyo kala dambaynta caasimadda, ayaa waxa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo dib-u-dhis casri ah oo dhan walba leh.

Waxa xusid mudan in hal-abuurka, naqshadaynta iyo fulinta hawlaha dib-u-habaynta Saldhigga Dhexe ee Hargeysa ay gebi ahaanba hirgaliyeen hoggaanka dhismaha iyo injineerrada Ciidanka Booliska JSL; taasina waxa ay ka turjumaysa sida ay uga goโ€™an tahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad casriyaynta iyo dhisidda kalsoonida qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda xadhig ka jarka Saldhigga Dhexe ayaa ku ammaanay hoggaanka Ciidanka Booliska shaqada wacan ee ay soo ban-dhigeen, isaga oo sheegay muhiimadda ay Qaranka u leedahay Ciidanka Boolis oo si fiican u qalabaysan in ay lagama maarmaan u tahay nabadgelyada guud iyo xasilloonida dalkeena.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this