Deeq A. Posted Tuesday at 01:20 PM Israa’iil l ayaa ku eedeysay Iran inay jebisay xabbad-joojin, saacado un kadib markii la gaaray heshiis ay garwadeen ka yihiin Donald Trump iyo dalka Qatar. Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay si xooggan uga jawaabi doonaan jebinta xabbad-joojinta ee Iran, isagoo ballan qaaday in la fulin doono weerarro xooggan oo lagu beegsanayo Tehran. Dhinaca kale, Iran ayaa iska fogeysay eedeymaha, iyadoo sheegtay inaysan wax gantaal ah ku ridin dhanka Israa’iil. Guddiga amniga qaranka ee Iran ayaa sidoo kale ballan qaaday inay ka jawaabi doonaan haddii Israa’iil sii waddo weerarada. Waa kuwan waxyaabaha ilaa hadda la ogyahay: Goorma ayay dhaqan gashay xabbad-joojintu? Fadlan ha jebinina xabbad-joojinta!” ayuu ku boorriyey labada dhinac Donald Trump, isagoo fariin ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social. Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay soo jeedinta Mareykanka ee xabbad-joojinta wax yar kadib markii Iran ay muujisay inay joojinayso weerarrada haddii Israa’iil ay sidaas oo kale Iyana sameyso. Si kastaba ha ahaatee, saacado kadib, Israa’iil ayaa ku eedeysay Iran inay markale weerarro cusub ku qaadday dhulkeeda. Trump wuxuu markii ugu horreysay sheegay in “si buuxda” laysku afgartay xabbad-joojinta fiidnimadii Isniinta, isagoo sheegay in heshiiskaasi uu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray “dagaalkii 12-ka maalmood socday”. Heshiiskan ayaa yimid kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhig Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar Isniintii, iyadoo sheegtay inay uga aargudanayso weerarro uu Mareykanku ku qaaday goobaha nukliyeerka ee Iran toddobaadkii hore. Sidee ayay Iran iyo Israa’iil uga jawaabeen? Laba saacadood kadib markii Israa’iil ay sheegtay inay ogolaatay heshiiska xabbad-joojinta, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay ogaadeen gantaallo laga soo riday dhanka Iran. Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku eedeeyay Iran inay “si buuxda u jebisay” shuruudihii heshiiska, wuxuuna intaas ku daray inuu faray milatariga inay “sii wadaan hawlgallada xooggan ee lagu beegsanayo Tehran si loo burburiyo bartilmaameedyada nidaamka iyo kaabayaasha Iran.” Taliyaha guud ee ciidammada qalabka sida ee Iran, Abdolrahim Mousavi, waxaa uu beeniyay in Iran ay gantaallo ridday. Bayaanka uu soo saaray Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarro kale oo ka yimaada Israa’iil laga bixin doono “jawaab degdeg ah,isla markaana adag, oo cad.” Xabbad-joojintii ma la jebiyey? Milatariga Israa’iil ayaa ku eedeeyay Iran inay gantaallo ku soo tuurtay dhulkeeda kadib markii xabbad-joojintu dhaqan gashay saaka, eedeyntaas oo ay Iran iska fogeysay. Kahor inta aysan xabbad-joojintu bilaaban, Iran iyo Israa’iil waxay is dhaafsadeen weerarro culus. Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in dhowr weerar ay dhaceen habeenkii Isniinta ilaa Talaadadii. Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in afar qof lagu dilay magaalada Beersheba, halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen. Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Iran ay Israa’iil ku qaaday “weerarro gantaallo ah dhulka Iran.” Habeenkii xigay, telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in caasimadda Tehran ay wajahday mid ka mid ah weerarradii difaaca cirka ee ugu xoogganaa tan iyo markii dagaalku bilowday 13-kii Juun. Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC Persian inay maqleen qaraxyo xoog leh. IDF waxay sidoo kale sheegtay inay beegsatay oo ay burburisay meelo laga ganay gantaallo oo ku yaallay galbeedka Iran, kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen kuwo “diyaar u ahaa in lagu duqeeyo dhulka Israa’iil.” Dowladda Tehran waxay sheegtay in saynisyahan kale oo ka shaqeynayay barnaamijka nukliyeerka la dilay kahor inta uusan heshiisku dhaqan gelin. Ilaa hadda lama oga tirada saxda ah ee dadka lagu dilay ama ku dhaawacmay gudaha Iran tan iyo markii uu dagaalku billowday. Bbcsomali Qaran News Share this post Link to post Share on other sites