Sign in to follow this  
Deeq A.

Ted Cruz oo soo jeediyey in dood laga yeesho aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi Mareykan ah ayaa toddobaadkii hore booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, , halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley, iyo Sarreeye Guud Michael Langley, oo ah taliyaha Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command). Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, wafdigu waxa uu Somaliland joogay intii u dhaxaysay Talaadadii iyo Khamiistii.

“Waxay la kulmeen Madaxweyne Cirro iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland si ay ugala hadlaan danaha guud ee ka jira Geeska Afrika,” ayuu raaciyay afhayeenku. “Wafdiga Mareykanku wuxuu sidoo kale la kulmay saaxiibada caalamka iyo wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah.”

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro dareen sii kordhaya oo ka dhex jira sharci-dejiyeyaasha Mareykanka (Capitol Hill), kaas oo ku aaddan in Mareykanku uu dib-u-qiimeyn ku sameeyo siyaasaddiisa Soomaaliya, inkastoo arrimaha Afrika ay marar dhif ah mudnaanta helaan.

“Waxaan aaminsanahay in dood dhab ah oo laga yeesho aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland ay lagama maarmaan u tahay in la hormariyo fahamka danaha amniga qaranka Mareykanka, waana arrin muddo la sugayay. Iskaashi xasilloon, oo muddada-dheer ah, isla markaana si cad u qeexan oo dhexmara Mareykanka iyo Somaliland wuxuu noqon lahaa mid labada dhinacba faa’iido u leh,” ayuu Senatar Ted Cruz, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto gobolka Texas u sheegay wargayska Washington Examiner.

“Somaliland waxay noqon lahayd saaxiib dhaqaale oo adag, kana go’an tahay inay ku biirto nidaamka amniga caalamiga ah ee Mareykanka, taasoo fure u ah badqabka iyo barwaaqada dadka Mareykanka. Dabcan, waxaa jira arrimo kale oo u baahan in wax laga qabto, ugu dambayntana arrimahan waa inay xalliyaan dadka Soomaaliyeed.”

Cruz ayaa ah guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Xiriirka Dibedda ee Aqalka Senate-ka u qaabilsan Arrimaha Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Adduunka.

Dhinaca kale, tiro yar oo xildhibaanno ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa taageeray sharci toddobaadkii hore la soo bandhigay oo dhigaya in la aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.

“In ka badan soddon sano, Somaliland waxay muujisay nooca dowladnimo, xasillooni, iyo iskaashi ee ay tahay in Mareykanku taageero,” ayuu yiri Xildhibaan Scott Perry oo  ah Jamhuuri laga soo doorto gobolka Pennsylvania, oo ah xubintii sharciga soo gudbisay.

“Cadowga shisheeye ayaa saameyntoodu ku sii fidaysaa Afrika iyo daafaha adduunka, waxaana danta qarankeena ku jirta inaan xoojinno xiriirka aan la leenahay saaxiibbo la isku hallayn karo oo aan isku aragti ka nahay qiyamka, isla markaana gacan ka geysta amnigeenna — goor kasta iyo goob kasta oo ay suurtagal tahay.”

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa 15-kii May u sheegay Washington Examiner, “Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wax wada-hadal ah oo ku saabsan heshiis loogu aqoonsanayo Somaliland dal ahaan kalama yeelan wakiillada Somaliland.” laakiin Jimcihii kama uusan jawaabin su’aal ahayd in hadalkaas weli taagan yahay.

Mareykanku wuxuu isku dayayaa inuu iska caabiyo saamaynta Shiinaha ee qaaradda Afrika. Soomaaliya waxay xiriir la leedahay Shiinaha, halka Somaliland ay xiriir aan rasmi ahayn la leedahay Taiwan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Shiinaha ayaa horraantii sanadkan ku celisay inay Somaliland u aragto qayb ka mid ah Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this