Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo saaka safar deg deg ah ugu baxay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750575002199.jpg?resize=1000%2C6

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Qaraaje ayaa safar degdeg ah oo aan horey loo shaacin ugu ambabaxay degmada dhahar ee xarunta gobolka Hayland, xili uu dhawaan furey fadhiga golaha wakiilada Puntland.

Gudoomiyaha ayaa maanta xarigga ka jari-doona taliska qaybta booliska gobolka Hayland oo dhawaan dhismihiisa lasoo dhameeyay, waxa uu ka mid yahay 7 talis qaybeed oo dawlada Imaaraatka carabta ay ugu deeqday dhismahooda Puntland.

Sidoo kale waxaa uu gudoomiyuhu dhagax-dhigi doonaa dhismaha maxkamada iyo xarunta maamulka gobolka gobolka Hayland, xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ay ku jiraan wasiirka Maaliyada iyo Caafimaad, xildhibaanada golaha wakiilada iyo masuuliyiin kale oo dawladeed ayaa ku weheliya safar gudoomiyaha.

Dhanka kale gudoomiye Cabdirisaaq ayaa ka hadli-doona imtixaanaad Somaliland qaadistiisa ka bilawday qaybo ka mid ah gobolka Sanaag oo xallay uu xukuumada ku dhaliilay siyaasigga mucaaradka ah Guuleed Saalax Barre.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo saaka safar deg deg ah ugu baxay Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this