Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo gubay dhammaan keydadkii Raashinka ee Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250622_094337241.jpg?resize=100

Hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee Puntland ayay si ba’an ugu burburiyay godad ka samaysan dhadhaab oo ay keydad Raashin ah uga firxadeen argagixisada Daacish.

Hawlgalkan oo ciidamada Puntland ka fuliyeen aagga togga Baallade ayay ku burburiyeen, islamarkaana dab qabad-siiyeen keydad Raashin ah oo argagixisadu ku qariyeen godad ka samaysan dhadhaab oo dhaca nawaaxiga Ceelka Cadeyle.

Ciidamada dowladda oo dhawr jiho kaga yimid degaanka Cadeyle waxay halkaasi ku gubeen dhammaan keydadkii raashinka uga harsanaa firxadkii mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo kabihii ka cararay, kaddib markii ciidanku si kedis ah u weeraray.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo gubay dhammaan keydadkii Raashinka ee Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this