Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Garoowe oo isbitaalka ku booqday guddoomiyaha Eyl oo xalay dhaawac fudud gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750585054165.jpg?resize=1000%2C6Faysal Khaliif Wacays

Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa saaka isbitaalka Carafaad ee Garoowe ku booqday guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Wacays oo dhaawac fudud ka soo gaaray qoorta, kaddib markii xalay toorrey lagu weeraray.

Qoraal uu soo saaray duqa Garoowe ayuu ku sheegay in uu saaka isbitaalka Carafaad ee Garoowe ku booqday guddoomiyaha degmada Eyl, Faysal Khaliif Wacays oo dhaawac fudud ka soo gaaray toorrey uu xalay ku weeraray eedaysane hadda ku jira gacanta laamaha Ammaanka.

“Duqa Caasimadda Garoowe, Mudane Hon. Cabdulkadir Geedi, ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Carafaad ee magaalada Garoowe, halkaas oo uu ku dabiibanyahay Guddoomiyaha Degmada Eyl, Mudane Faysal Khaliif, kaasi oo dhaawac fudud kasoo gaaray qeybta qoorta.”

“Maayir Geedi ayaa warbixin caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta la tacaalaya xaaladda guddoomiyaha, isaga oo uga mahadceliyay dedaalka iyo daryeelka ay u hayaan.Duqa Caasimadda ayaa booqashadiisa ku muujiyay dareen garab istaag iyo walaaltinimo, isaga oo sidoo kale Alle uga baryay in uu si dhaqso leh u bogsado Mudane Faysal Khaliif” ayuu Geeddi ku sheegay qoraalkaasi.

PUNTLAND POST

The post Duqa Garoowe oo isbitaalka ku booqday guddoomiyaha Eyl oo xalay dhaawac fudud gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this