Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalihii Mashruuca Ayaxa Puntland oo is daba-marin lagu sameeyay xuquuqdoodii mushaarka

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Waxaa isa-soo taraya hawl-wadeenada iyo shaqaalaha hay’adaha dowlada Puntland ee ka cabanaya wasiiro iyo agaasimayaal awood dowladeed isticmaalaya oo xaqooda hor-taagan, isla markaana waayay cid u qareenta iyo hay’ado kale oo xaqooda usoo dhiciya.

In ka badan 35 dhalinyaro ah oo ka tirsan hawl-wadeenada wasaarada beeraha Puntland gaar ahaan qaybta Ayaxa oo ka shaqeeya Garoowe iyo Qardho ayaa mudo ku dhaw 8 bilood waxay la’ayihiin xaquuqdoodii mushahar iyo midii guno hawleed ee ay mudadaas ay shaqaynayeen, siday qaarkood nala soo wadaagen iyadoo cadaymo wadato.

Musharaadka ka maqan ayaa qofka uga yar wuxuu bishii heli-jirey 250 dollar, halka qofka ugu badana uu yahay 1500 oo dollar, Wasiirka beeraha Puntland Doonyaale iyo Madaxda Ayaxa ayaa xataa awoodi waayay in dhalinyaradaas dhididkooda iyo xaquuqdoodu maqan-tahay ay xataa ka jawaabaan fariintooda.

Qaarkood oo qoysas leh waxaa loo haystaa kirooyin, kuwa korontada iyo biyaha ayaa laga goostay, bakhaarada raashinkana daymo ayaa lagaga leeyahay, waxayna noqdeen qof shaqo haysta hadana koob shaah ah aan shuban-karin. heshiiska qofkasta lala gallay wuxuu ahaa inuu si joogta ah mushaharkiisa u hellayo.

Puntland waxaa caan ah qofkii dowlad shaqo u qabta ee xaquuq ku yeesha in daahin iyo is-dabarin lagu sameeyo ilaa la gaarsiiyo qofkaas heer lacagkasta oo loosoo diro uusan diidin maadaama uu baahi xoogan u qabo, dadka ka shaqeeya maamulka iyo maaliyadaha xafiisyada dawlada ayaana farsamadaan si fiican ugu shaqaysta.

PUNTLAND POST

The post Shaqaalihii Mashruuca Ayaxa Puntland oo is daba-marin lagu sameeyay xuquuqdoodii mushaarka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this