Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in ay qabatay xubin Daacish ah oo ka soo jeeda dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750661089128.jpg?resize=1000%2C6

Dowladda Puntland oo war kooban soo saartay ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay xubin ka tirsan ajaanibtii Daacish ee ka firxaday Hawlgalkii togga Baallade ee magaalada Boosaaso.

Af-hayeenka Hawlgalka Calmiskaad S/guuto, Maxamud Maxamed Faadhigo oo warkan faafiyay ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland gacanta ku dhigeen nin ka soo jeeda dalka Yemen oo ka firxaday habqabkii argagixisada Daacish ee ka cararay Hawlgalkii Baallade.

“Ciidamada difaaca dowladda Puntland waxay gacanta ku dhigeen xubin ka firxaday argagixisadii burburtay ee Daacish, kaasi oo u dhashay dalka Yemen, waxaana la qabtay isagoo keligiis ah oo ka soo fiigay Hawlgalkii togga Baallade, halkaasi oo ay ku kala yaaceen firxadkii u danbeeyay ee kooxda” ayuu yiri S/guuto Faadhigo.

Sidoo kale, wuxu intaasi ku daray in Hawlgalkii Baallade kaddib firxadkii Daacish noqdeen hadaadun mid-mid iyo laba-labo u socda oo habqan ah, islamarkaana mashriq iyo maqrib u kala jihaysteen, oo aysan hadda jirin koox Daacish ah oo meel ku urursan.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in ay qabatay xubin Daacish ah oo ka soo jeeda dalka Yemen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this