Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirarkii Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ku soo dhammaaday iyo warmurtiyeed laga sugayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750752823905.jpg?resize=1000%2C8

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku sugan Garoowe ayaa wada yeeshay shirar aysan cidna ku wehelin oo ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka wax ka beddelka dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka 2026.

Sidaan ka xigannay ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland, labada hoggaamiye ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxay yeesheen kulamo si weyn loo xadiday xogtooda, oo aysan jirin cid ku wehelisay, kuwaasi oo ay kaga tashanayeen khilaafaadka siyaasadeed ee dalka iyo siday u midayn lahaayeen mowqifkooda marxaladda taagan, islamarkaana waxa weli u harsan kulamo kale.

Ilo wareed aad ugu dhaw dhinaca Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xaqiijinaya in shirarkii labada hoggaamiye isfaham ku dhammaadeen, islamarkaana uu haray hal kulan oo ay ku diyaarinayaan warmurtiyeed wadajir ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii ka soo baxay shirarkii labada Madaxweyne uga socday Garoowe. Wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu isla berri dib ugu laabanayo magaalada Kismaayo.

PUNTLAND POST

The post Shirarkii Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo isfaham ku soo dhammaaday iyo warmurtiyeed laga sugayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this