Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo kulan sagootin ah la yeeshay danjiraha dawladd Sweden ee xilka wareejinaaya

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฌ๐š๐ ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ง ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ž๐ž ๐—๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š

FB_IMG_1750681186181.jpg

FB_IMG_1750681181896.jpg

FB_IMG_1750681161230.jpg

FB_IMG_1750681157129.jpg

FB_IMG_1750681172079.jpg

FB_IMG_1750681152782.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (23.06.2025) kulan sagootin iyo istiraatiji ah la yeeshay Danjiraha Xilka Wareejinaya ee Dalka Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Joachim Waem.

Kulankan oo ku qabsoomay jawi ay ku dheehan tahay ixtiraam iyo is qadarin, ayaa ahaa mid ka tarjumaya xidhiidhka iyo isfahamka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Dalka Sweden.

Madaxweynuhu waxa Danjiraha uga mahad naqay booqashada uu ku yimid dalka Somaliland iyo kaalmada ay Dawladda Sweden u fidiso Somaliland, taasi oo waxtar ka geysata qaybo door ah oo ka mid ah baahiyaha bulshada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Danjire Joachim Waem u sheegay in Somaliland ay tahay dal Qani ah oo leh khayraad badan oo kala duwan. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay soo dhawaynayso diyaarna u tahay in ay Iskaashi iyo wax-wada-qabsi la yeelato Dawladda Sweden, gaar xagga horumarka, maalgashiga iyo ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo Xasiloonida Gobolka iyo marrin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha Dawladda Sweden u sheegay arrimaha wax-ku-oolka ah ee u qabsoomay Xukuumadiisa muddadii koobnayd ee uu xilka hayay, sida Qaramaynta Ciidamada tirada badan ee Madaniga ah, Nabadaynta Gobollada Bariga iyo tallaabooyinka muhiimka ah ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Isaguna dhankiisa, Danjiraha xilka ka degaya waxa uu Madaxweynaha iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad-naqay soo dhawayntii iyo wada shaqayntii ay u fidiyeen mudadii uu xilka hayay, isaga oo caddeeyay in Sweden ay mar walba danaynayso nabadda, horumarka, iyo iskaashiga labada dhinac.

Sida oo kale, Danjire Joachim Waem waxa uu Madaxweynaha, Dawladda iyo Shacbiga Somaliland ku bogaadiyey nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay Somaliland, isaga oo sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tusaale wacan oo ku-dayasho mudan u tahay mandaqadda Bariga Afrika. Danjiruhu waxa uu tibaaxay in uu Dawladdiisa u gudbin doono warbixin rasmi ah oo ka tarjumaysa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland.

Danjiraha Xilka wareejinaya ee Dalka Sweden ayaa Madaxweynaha u sheegay in Sweden ay tahay saaxiib dhaw oo ay Somaliland leedahay, meelo badana wax kala qaban kara, sida arrimaha nabadda oo kale. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay Golaha Wakiillada ee dalka Sweden ku leedahay saaxiibo badan oo u dooda qaddiyadda Somaliland, kuwaasoo si joogto ah Danjiraha ula soo xidhiidha iyaga oo ku boorinaya in Somaliland wax lala qabto.

Kulanka ayaa ahaa mid ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad. Gabagabadii kulanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Danjiraha guddoonsiiyey Hadiyad ka Tarjumaysa dhaqanka soo jireenka ah iyo agabka ummadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this