Sign in to follow this  
Deeq A.

Xabad joojin laga filaayo colaada u dhexaysa Iran iyo Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii u dambeeyey ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin u dhaxaysa Iiraan iyo Israa’iil, laakin labada dhinac midkoodna ma uusan xaqiijin xilligaas.

In yar ka hor, Iiraan waxay sheegtay in ay weerarrada joojinayso haddii ay Israa’iil joojiso.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Syed Abbas Araghchi wuxuu ku qoray bartiisa X in haddii ay wakhtigan Israa’iil joojiso “duullaankeeda sharci darrada ah” aysan Iiraan doonayn “in aan sii wadno jawaabaheenna xilligaas ka dib”.

Araghchi wuxuu intaa ku daray in Israa’iil ay duullaanka joojiso 04:00 xilliga dalkaas oo hadda la dhaafay. Weli wax war ah kama hayno dhinaca Israa’iil.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this