Deeq A. Posted 18 hours ago Agaasimihii hore ee Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii uu ku guulleystay kursiga HOP058. Doorasho ka dhacday xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar, ayna ka qeyb-galeen xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga ku guuleysatay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ka dib markii uu tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax oo tartanka qeyb ka ahaa. Ergada doorashada ee kursiga #HOP058 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, Doorashada waxay u dhacday hab xasiloon, waxaana cod gacan-taag ah ku guulleystay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 Codbixiye. Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada Xildhibaanimo. Cabdullahi Maxamed Cali oo dhowaan laga qaaday Xildhibaan xilkii hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka ayaa dib ugu laabanaya golaha sharci-dejinta, xilli dalku uu jiro xaalad siyaasadeed oo kala guur ah. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites