Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaanad Suuri Diiriye Carab 

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo qaraabada ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee marxuumad Xildhibaan hore Suuri Diiriye Carab.

Marxuumadda oo ahayd xubin ka tirsan Baarlamaannadii dalka soo maray laga soo bilaabo Baarlamaankii lagu soo dhisay Magaalaadda Carta sanadkii 2000 ilaa Baarlamaankii 10-aad, taas oo muddooyinkii dambe ku xanuunsaneyd Magaaladda Muqdisho, ugu dambayn geeriyootay.

Guddoomiyaha ayaa marxuumadda Alle SWT uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, eheladii ay ka geeriyootay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this