Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in ay si buuxda ugu guulaysatay Hawlgalkii Calmiskaad ee ciribtirka Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1750258271459.jpg?resize=1000%2C6

Dowladda Puntland oo warbixin kooban soo saartay ayaa shaacisay in ciidamada difaaca Puntland si buuxda ugu guulaysteen Hawlgalkii Calmiskaad ee ciribtirka mileeshiyaadkii Daacish.

Shax u samaysan khariirad oo ka soo baxday xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayuu xafiiskaasi ku muujiyay dhammaan degaannada laga xoreeyay Argagixisadii Daacish laga soo bilaabo wejigii kowaad ilaa wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad.

Masaafo dhan 420km ayaa si dhammaystiran looga sifeeyay mileeshiyaadkii Daacish tan iyo bilowgii Hawlgalkaasi oo ka soo dhaqaaqay degaanka Dharjaale ee Uur-caleed ilaa togga Miraale oo uu ku geba-geboobay wejigii saddexaad, siday muujinayso shaxda u samaysan khariiradda ee ka soo baxday Xafiiska Hawlgalka Calmiskaad.

Dowladda Puntland, waxay sheegtay in 98% la xoreeyay dhulkii argagixisadu haysatay ee Calmiskaad, islamarkaana 2% harsan laga sifaynayo firxad kooban oo weli ku go’doonsan godad cayiman, waxaana hadda socda wejiga afraad ee Hawlgalka oo la qiyaasayo in uu wakhti yar qaato.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay in ay si buuxda ugu guulaysatay Hawlgalkii Calmiskaad ee ciribtirka Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this