Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Daarood Waa Inuu Ka Hadlo Meel-ka-dhaca Magaca Puntland Loogu Geystay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre

Recommended Posts

Deeq A.   
1000027208.jpg?resize=1000%2C719&ssl=1Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre wuu cafiyay dhammaan kuwa naaneysyada meel-ka-dhaca ah u bixiyay isaga.

Boosaaso (Faallo PP) — Maanta wuxuu Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir meel uga dhacay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Waxa uu ku tilmaamay Ra’iisal Wasaaraha ma aha wax qalinka la soo marin karo. Labo sano ka hor Madaxweyne Deni ayaa xilka uu hayo Ra’iisal Wasaare Xamse si aan ku habbooneyn uga hadlay. Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa si hufan uga falceliyay hadalka uu Wasiir Maxamuud Ceydiid meel uga dhacay dhalashada Ra’iisal Wasaare Xamse.

1000027203.jpg?resize=1000%2C1000&ssl=1Maxamuud Caydiid wuu u gefay Ra’iisal Wasaare Xamse.

Boqor Burhaan waxaa saaran waajib ah inuu ka hadlo afxumada Wasiirka Warfaafinta ee Puntland waayo aamusnaanta waxaa loo fasiran karaa taageerada afxumada. Waxaa intaas dheer, in tiirarkii is xaqdhowrka oo asaas u ahaa Puntland ay meesha ka bexeen.

Haddii maamulka Puntland iyo Madaxda dhaqanka Daarood iska fogeyn waayaan cayda Wasiir Maxamuud Ceydiid kula kacay Ra’iisal Wasaare Xamse, waxaa si dhab ah loogu qaadanayaa inay ku taageersan yihiin Wasiir Ceydiid afxumada.

© Puntland Post, 2025

The post Boqorka Daarood Waa Inuu Ka Hadlo Meel-ka-dhaca Magaca Puntland Loogu Geystay Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this