Sign in to follow this  
Deeq A.

𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐲𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐲𝐢𝐦𝐢𝐝 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.
7a7ace40-4c18-11f0-8c47-237c2e4015f5.png
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa sharaf u ah in ay marti-geliso wefti heer sare ah oo ka socday dalka Maraykanka oo booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland (18.06.2025) si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo Difaaca u dhexeeya labada dawladood.

Weftiga waxa hoggaaminayay Danjire Richard Riley, isla markaana waxa ka mid ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) Jeneraal Michael Langley, saraakiil sarsare oo ka mid ah Ciidamada Maraykanka iyo Diblomaasiyiin culus.

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo wax-ku-ool ah oo muhimmad gaar ah u leh labada dal, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca. Booqashada ay Weftiga Maraykanku ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay muujinaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay adkaynta difaaca, amniga, ganacsiga, iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.

Sida oo kale, Xukuumadda Somaliland waxa ay si weyn u soo dhaweynaysaa socdaalka ay weftigii ka socday dalka Maraykanku ay ku tageen magaalo-xeebeedka isteraatejiga ah ee Berbera, si ay u qiimeeyaan tayada kaabayaasha lagama maarmaanka u ah xoojinta awoodda amniga iyo difaaca, maadaama Dawladda Maraykanka ay ka go’an tahay ilaalinta xasilloonida mandaqadda.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si weyn ugu mahad-naqaysaa danaynta Dawladda Maraykanka iyo hagar baxa ay la garab taagan tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay adkaynaysaa in la sii wado lana xoojiyo iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga u dhexeeya labada dhinac.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this