Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf Waa Sharciyaqaan Qarankiisa Qalin Ugu Hiilliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Doodaha uu Garsoore Cabduqawi Axmed Yuusuf ku soo gudbiyay maqaalkii uu qoray 1980kii waxay sal u noqdeen mabda’a in heshiis uusan ku qotomin sharci marka la eego Sharciga Caalamiga Ah haddii dhul dadyow ay leeyihiin la wareejiyo iyaga oo aan oggolaansho laga haysanin.

1000026102.jpg?resize=400%2C400&ssl=1Maqaalka uu Dr Cabdiqawi qoray 1980kii wuxuu ka horreeyay doodda saamynta weyn yeelatay uu Mohamud Mamdani ku soo gudbiyay buuggiisa Citizen and Subject. Contemporary Africa and the legacy of late colonialism.

Boosaaso (Faallo) — Dr Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo toddobaadkii hore si rasmi iskaga casilay jagada Garsoore ee Maxkamadda Caalamiga Ah ee Cadaaladda, waa sharciyaqaanka keliya oo si shacri ah ugu dooday dhulka Soomaaliyeed uu Biritishku si sharcidarro ah ugu daray Itoobiya kaddib markuu jebiyay heshiisyadii ilaalinta uu la galay beelaha Soomaaliyeed qaarkood. Inkastoo siyaasadda arrimmaha dibedda Soomaaliya midowgii 1960kii kaddib ay qeyb ahaan ku salaysnayd raadinta dhulka Soomaalidu leeyihiin oo Itoobiya si sharcidarro ah ku haysato, waa Dr Cabdiqawi sharciyaqaanka si cilmiyaysan u soo  bandhigay xaqa ayaa-ka talinta ee Soomaalida ku nool Soomalli Galbeed (hadda loo yaqaanno Dowlad-deegaanka Soomaalida).

Maqaal uu ku qoray wargeys-xilliyeedkii Horn of Africa cinwaakiisuna ahaa The Anglo-Abyssinian Treaty of 1897 and the Somali-Ethiopian Dispute, wuxuu ku lafaguray heshiiyadii Imbaradoodiyaddii Biritishku la gashay Xabashida, oo markaas loo yiqiin Abisiiniya si Xabashidu uga caawiso Biritishka in Daraawiishtii aysan dagaal kaga furin dhanka Jigjiga. Heshiisku wuxuu Mililiq (Menelik) awood u siiyay inuu sheegto oo maamulo dhulka Soomaalidu degto hase ahatee uu oggolaado inay xoolahdooda daqsadaan halkaas marka ay ka yimaadaan dhulka kale ee Biritishku maamulayay. Khariidadda waxaa loo qoray si awood Xabashida loogu siiyo in dhulkaas ay qaadato.

Cabduqawi wuxuu ku dooday in heshiiskii 1897kii uu jebiyay heshiisyadii ilaalinta ay beelaha Soomaalidu la galeen Biritishka, heshiisyadaas oo ku waajibinayay Soomaalida inaysan dhulkooda ka kireynin ama siinin dalal kale. Heshiiskii Xabashida iyo Biritishka dhexmaray wuxuu socday intii uu jiray Ururkii Qaramada (League of Nations) iyo kaddib markii la asaasay Qaramada Midoobay (1945kii). Maqaalka uu Dr Cabdiqawi qoray wuxuu ka horreeyay doodda saamynta weyn yeelatay uu Mohamud Mamdani ku soo gudbiyay buuggiisa Citizen and Subject. Contemporary Africa and the legacy of late colonialismMamdani wuxuu ku dooday in Imbaradooriyaddii Biritishku dadka la gumeysanayo ku dhaqi jirtay xeerarka dadka la gumeysnayo dhigteen (customary law), halka dadka u dhashay dalka wax gumeysanaya lagu xukumo Common Law (Sharciga Guud) oo garsoorayaal maxkamado fadhiya ay dacwada qaadaan.

1000026106.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doodda sharciyeed uu Dr Cabdiqawi soo bandhigay 1980kii si dadban u xigtay markuu 2024kii sheegay in Soomaaliya ay iska dhaaftay dhul Soomaaliyeed oo Itoobiya haysato, sidaas darteedna aysan aqbali karin in Itoobiya isku daydo qaadashada dhul ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu Cabdiqawi ku tilmaamay jebinta heshiisyadii Imbaradooriyaddii Biritishku la gashay beelaha Soomaaliyeed xadgudub sababay colaado dhul ku salaysan inay dhexmareen Itoobiya iyo Soomaaliya.  Dooddaas waxaa aad uga faa’iiday qowmiyadaha Itoobiya oo samaystay jabhado ay kaga soo horjeedaan Amxaarada oo dowlad dhisidda Itoobiya udub-dhexaad u ah kaddib markuu Mililiq qowmiyadaha kale ku qasbay inay ku hadlaan oo dadka kale kula xiriiraan afka Amxaariga, ka sokow in barakicin iyo adoonsi lagula kala kacay qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Sidamo iyo Canfarta.

Xitaa taliskii Tigreega (TPLF) ayaa ka hor yimid taariikhda dowlad-dhisidda Itoobiya oo ay ku tilmaameen mid xuquuq siyaasadeed loogu diiday qowmiyadaha kale ee Itoobiya oo Mililiq uu dhulkooda xoog ku qabsaday dhammaadii qarniigii 19aad iyo billowgii qarnigii 20aad. Waa sababta taallada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan looga dhisay Jigjiga, sidoo Kalena taallada Anoole looga dhisay gobolka Oromiya.

1000026208.jpg?resize=801%2C1432&ssl=1

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doodda sharciyeed uu Dr Cabdiqawi soo bandhigay 1980kii si dadban u xigtay markuu 2024kii sheegay in Soomaaliya ay iska dhaaftay dhul Soomaaliyeed oo Itoobiya haysato, sidaas darteedna aysan aqbali karin in Itoobiya isku daydo qaadashada dhul ka  mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waa kaddib markii Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii maamulka Somaliland, uu Heshiis is Afgarad oo aan sharci ahayn la galay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Janaayo 2024kii si Itoobiya saldhig badeed looga siiyo Lughaya.

Doodaha uu Garsoore Cabduqawi ku soo gudbiyay maqaalkii uu qoray 1980kii waxay  sal u noqdeen mabda’a in heshiis uusan sharci ku salaysnayn marka la eego Sharciga Caalamiga Ah haddii dhul dadyow ay leeyihiin la wareejiyo iyaga oo aan oggolaansho bixinin. Mabda’aas hadda wuxuu ka mid yahay Baaqa Xuquuqda Dadyowga Dhul u Dhashay (The UN Declaration on the Rights of Indigenous Peoples), oo uu Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay ansixay bishii Sebteembar 2007dii (UNDRIP).

Shaki kuma jiro inay soo bixi doonaan cilmibaarayaal u kuurgala sida Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf ugu dooday Soomaalida ay Imbaradooriyaddii Biritishku u ballan-furtay una sababtay colaado muddo dheer socday oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tixraac

Yusuf, A.A., 1980. The anglo-abyssinian treaty of 1897 and the somali-ethiopian disputeHorn of Africa, an Indipendent Journal.

Mamdani, M., 1992. Citizen and Subject. Contemporary Africa and the legacy of late colonialism.

© Puntland Post, 2025

The post Cabdulqawi Axmed Yuusuf Waa Sharciyaqaan Qarankiisa Qalin Ugu Hiilliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this