Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo maanta qabtay xubin ka tirsan firxadkii mileeshiyaadka Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250616_153928576.jpg?resize=960

Ciidamada Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay xubin kamid ah firxadkii mileeshiyaadka Daacish oo u dhashay dalka Itoobiya, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo warbixin soo saaray.

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo xaqiijiyay warkan ayaa sheegay in ciidanku soo qabteen ninkan firxadka ah ee u dhashay dalka Itoobiya oo magaciisu yahay Hakiimi, isagoo ku dhuumanayay togga Baallade.

“Ciidanku waxay soo qabteen maanta, xubin ka mid ah firxadka  Argagixisada Daacish ee lagu sifeynayo Calmiskaad, ninkan oo u dhashay Ethiopia wuxuu magaciisa ku sheegay Hakiimi , waxaa Ciidanku kasoo qabteen isagoo ku dhuumanaya Togga Baallade” ayuu yiri Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo maanta qabtay xubin ka tirsan firxadkii mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this