Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka reer Somaliland waqti tacab iyo maalba leh ayaa kaga baxa buuqa iyo is maandhaafka siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250225-WA0015.jpg

DADKA REER S/LAND WAQTI TACAB IYO MAALBBA LEH AYAA KAGA BAXA BUUQ IYO ISMAANDHAAF SIYAASADEED.

Dawladihii kala danbeeyay ee s/Land waxa dabada hayay ama ragaadiyay buuq iyo xaalad abuur siyaasadeed u salka ku haya aamin darro dadka dhexdiisa iyadoo loo adeegsaday awooddii la Wada laha dano shaqsi oo qabiil dabada ku haya waana mushkilad lagaga bixi karo dastuurka oo ay dawladdu dhaqan geliso.

Aaminkii hantida ummadda iyo sharcigoo lays waafajiyaa weli wuu laalanyay, waa sababta keentay madaxweyneyaashu inay meelaha muhiimka gaar ahaan ilaha dhaqaalaha inay u dhiibaan qof ay ku kalsoonyihiin, bal u fiirsada berbera oo ah meesha dhaqaalaha ugu badani uu ka soo baxo markasta waxa loo dhiibaa qof ay dawladdu ku kalsoontay si aanay hantidu u lumin oo ay dawladdu lacag u hesho.

Arrimahaas waxa lagaga bixi karaa waddaniyad muslinimo salka ku haysa iyo xaalad abuurka qabyaaladaysan oo ay dawladdu keeno qorshe lagu yareeyo, ninkaasi waa qoloma waxa ka qiimo roon isagu waa kuma.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this