Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee dagaalka Iiraan iyo Israa’iil u saamaynayaa Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dunida oo dhan waxa isha lagu hayaa xiisadda dib uga soo cusboonaatay gobolka Bariga Dhexe ee ka dhex aloosantay Iiraan iyo Israa’iil.

Meelo badan waxa durtaba laga dareemay saamayn cabsi dhaqaale oo caalami ah. Qiimaha shidaalka ayaa sare u sii kacaya. Waxa la is weyddiinayaa waxa dhici kara haddii ay Iiraan xidho gacanka muhiimka ah ee Hormuz oo saliidda marta lagu qiyaaso 17.2 million oo foosto maalintii.

Cabsi amni oo barbar socoto tan dhaqaalaha ayaa waddamo badani ay qabaan. Dalalka ku yaalla Gacanka Cadmeed oo Soomaalidu ka mid tahay ayaana ugu horreeya, sida ay qabaan aqoonyahanka Soomaaliyeed oo arrintan BBC-da uga warramay. Waxa ka mid ah Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo dheer culuumta dhaqaalaha iyo siyaasadda ka dhigayay jaamacado ku yaalla Maraykanka.

“Deegaan ahaan, aniga iima muuqato dhibaato soo gaadhi karta Soomaalida, maaddaama ay juqraafi ahaan kala fog yihiin. Iima muuqato hub soo faniinay in uu soo gaadhi karo Geeska Afrika. Ma garan karo haddii ay wax kale dhacaan, sida in la isu adeegsado nukliyeer, taasina dunida oo dhan ayay aafaynaysaa.

“Dhibaatada ugu weyni waxa ay ka imanaysaa dhinaca dhaqaalaha. Maraakiibta maraysa xeebaha Soomaalida, Marinka Suweys iyo Gacanka Cadmeed ayaa laga yaabaa in ay arrintani saamayn ku yeelato, sida in ay joogsadaan ama uu sicir-barar ku yimaaddo. Saamayn kale waa in dagaalku u gudbo Gacanka Hormuz iyo waqooyiga Badweynta Hindiya,” ayaa uu yidhi.

Aragti taas la mid ah waxa qaba barafasoor Maxamed Xaaji Ingiriis oo cilmiga taariikhda ka bartay Jaamacadda Oxford, haatanna cilmi-baadhe ka ah Akademiyadda Hoggaaminta Afrika ee Jaamacadda King’s College London.

“Soomaaliya waxa ay halbowle u tahay saliidda ka soo baxda Bariga Dhexe ee maraysa Gacanka Cadmeed iyo Marin-biyoodka Baab Al Mandab. Saamaynta ugu horraysa waa tan dhaqan-dhaaqalaha iyo ganacsiga Soomaalidu la leedahay waddmada bariga-fog. Saamayn kale, waa dhanka hawada oo durba diyaaradaha caalamku ay joojiyeen in ay isticmaalaan hawada waddamada qaar.”

Shidaalka iyo soo dejinta badeecadaha kale
Markab taagan dekadda Xigashada Sawirka,Getty Images
Qoraalka sawirka,Markab taagan dekadda
Inta badan wax-soo-saarka Geeska Afrika oo hooseeya. Si gaar ah, colaadaha iyo caqabadaha amniga ee Soomaaliya waxa uu hoos u dhigay beeralayda oo ay u dheer tahay abaaro soo noqnoqda iyo fathaado meelaha qaarkood ka jira.

Inkasta oo dhinaca dhoofka xoolaha qiyaaso la sameeyay sannadkii 2023 lagu sheegay in ilaa 70% xoolaha Soomaalida oo isugu jira geela, lo’da iyo adhiga qiimahooda sannadkii lagu qiyaasay $1 Bilyan loo dhoofiyo Boqortooyada Sacuudiga, haddana waxa jira caqabado ay wajahayaan oo ah in dalalka qaar sida Shiinuhu uu joojiyay xoolo ay kuwa Soomaalidu ku jiraan.

Taas beddelkeeda, maciishadda inteeda badan oo ay ku jiraan cuntooyinka maalinlaha ahi waxa ay ka yimaaddaan waddamada dibadda. Haddii colaaddu ay ku baahdo gobolka waxa la filan karaa saamayn ku timaadda helitaanka badeecadaha raashinku ugu horreeyo ee ka Soomaaliya ka soo gala dibadda.

Professor Ingiriis oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi: “dhaqaalaheenna iyo waxa laga cuno waddanka gudihiisuba waxa uu ku tiirsan yahay wax laga soo waarido dalalka dibadda, sida Shiinaha iyo Thailand oo soo mara Dubia. Waxa kici doona maciishadda quutal-daruuriga ah iyo shidaalka. Saamaynta waxa keenaya goobta ay Soomaaliya ku taallo oo istiraatijia ah.”

Sidee ayay u saamaynaysaa amniga?
SoomaaliyaXigashada Sawirka,Getty Images
Qoraalka sawirka,Nin qori ku hubaysan, Xuddur Soomaaliya
Arrin kale oo muhiim ah waa midda amniga. Iiraan waxa ay taageertaa xoogag hubaysan oo ay ku jiraan Xuutiyiinta oo masaafo aan badnayn u jira Soomaaliya, gudaheedana waxa ka dagaallama kooxo hubaysan.

“Haddii dunidu ay gasho dagaal saddexaad waxa ay Soomaalida ku yeelan kartaa saamayn togan iyo mid taban. Tan ugu horraysa waa in Soomaaliya ay noqon karto goob ay quwadaha waaweyn ee dunidu ku dagaallamaan. Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee gudaha ka jirta ayaa sababi karta in la la kala safto awoodaha hirdamaya ee galbeedka iyo kuwa ku bahoobay BRICS,” barafasoor Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah cilmi-baadhe madax ka ah Mac’hadka Daraasaadka iyo Istaraatijiyadda ee Afro-Asia.

“Kooxaha ka dagaallama Soomaaliya sida Daacish ama al-Shabaab waxa ay [xiisaddani] u abuuri kartaa isbahaysi cusub oo ay helaan. Waxaa dhici karta in ay la safato Iiraan iyaguna ay taageero u muujiyaan. Haddii ay xukuumaddu la safato Reer Galbeedka oo saldhig laga siiyo Soomaaliya waxa dhici karta in ay iyaguna taageeraan ururrada Islaamiga ah oo ay Soomaaliya ku kiciyaan. Taasina waa dhibaato hor leh. Waxa dhici karta in ay soo baxaan dad Soomaali ‘waddaniyiin ah’ oo arrintan ka faa’iidaysanaya. Haddii ay xukuumaddu la safato waxa dhici karta in [kooxahaasi] ay is abaabulaan si ay xukuumadda u ridaan lana saftaan BRICS,” ayaa uu hadalkiisa raaciyay.

Midda togan ayaa barafasoor Cabdiwahaab uu ku sheegay adeegga dekadaha Soomaalida qaarkood oo kor u kici kara, haddii ay maraakiib badan ka caagaan marinnadii ay hore u isticmaali jireen.

“Midda la is dhihi karo Soomaalidu way ka faa’oiidaysan kartaa, waa haddii ay dhexdhexaad ka noqoto waxa dhacaya. Taasi waxa ay keenaysaa in Soomaaliya la nabadeeyo si maraakiibta shixnadaha wada ay nabadgalyo ugu maraan. Faa’iidada ay Soomaaliya heli karto waa in dekadaha Boosaaso, Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo ay dhismaan. Haddii dagaalku uu xoogaysto oo ay dhacdo in Dubia, Qadar iyo Cummaan alaab laga keeni waayo, waxay keenaysaa in dhaqaalaha Soomaliya uu kobco,” ayaa uu yidhi barafasoor Cabdiwahaab Cabdisamad.

Walaac kale oo laga qabo haddii aan xal loo helin colaadda bariga dhexe waa in qaxooti tiro badan oo ka firxanaya dagaalku ay ku soo qulqulaan gobolka Geeska Afrika, sida uu ku doodayo barafasoor Samatar.

“Xagga nabadgalyada dhibaato badan ayuu keeni doonaa. Waxa dhici karta in dad badan oo qaxooti ah ay Geeska soo galaan, sidii hadda ka horba ka dhacday dalka Yaman.”

Gargaarka la siiyo Soomaalida oo halis gali kara
Barakacayaal Xigashada Sawirka,UNSOM
Waxaa hoos-u-dhac weyni ku yimid hawlihii mucaawinooyinka ee Soomaaliya islamarkaana hay’ado badan ayaa ka digaya cunno yaraan soo wajihi karta malaayiin Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii hay’adaha gargaarka bani’aadamnimo ay dib u qiimeyn ku sameeyeen mudnaanta shaqadooda, iyada oo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ee ka hawlgala Soomaaliya ay hadda bartilmaameedsanayaan 1.3 milyan oo qof. Taasi waxa ay la macne tahay in uu jiro hoos-u-dhac 70% ah, marka loo eego dadkii la rabay in ay gargaar helaan oo gaadhay 4.6 milyan oo qof.

“Wax-soo-saarka beeraha iyo dhoofka xoolaha iyo wax kasta oo dibadda loo dhoofiyo waxa laga yaabaa in ay socon waayaan ama dadkii iibsanayay ay badeecaduhu ay gaadhi waayaan. Soomaalidu intooda badan waa dad ku nool wax dibadda laga keeno. Taasi waxa ay keenaysaa in sicirka maciishadda uu sare-u-kac ku yimaaddo ama maciishadda gebi ahaanteeedba la waayo. Haddii taasi dhacdo, jaago ayaa la filan karaas.” Ayaa uu yidhi barafasoor Axmed Ismaaciil Samatar.

Xiisadda ka dhex aloosan Iiraan iyo Israa’iil ayaa gashay maalintii afraad iyada oo dhinacyadu ay is dhaafanayaan weerarro dhanka hawada ah. Baaqyo caalami ah oo la rabo arrimahan lagu soo afjaro ayaa socda, ha se ahaatee, lama oga sida ay wax uga tari karaan colaadda Bariga Dhexe oo muddo dheer ahayd mid aan maaro loo helin.

 

  • Nimaan Osman
  • BBC Somali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this