Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

img_1_1750082949470.jpg

img_2_1750082982375.jpg

img_3_1750083004838.jpg

img_4_1750083035038.jpg

img_5_1750083050326.jpg

img_6_1750083069843.jpg

img_7_1750083084899.jpg

img_8_1750083101404.jpg

img_9_1750083120284.jpg

img_12_1750083174523.jpg

img_13_1750083189631.jpg

img_17_1750083255583.jpg

img_18_1750083271893.jpg

img_19_1750083286745.jpg

img_20_1750083303989.jpg

img_21_1750083319427.jpg

img_23_1750083357446.jpg

img_24_1750083383653.jpg

img_26_1750083451631.jpg

img_22_1750083341932.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland, oo ku soo beegantay Xuska Maalinta Carruurta Afrika oo la xuso 16-ka Bisha 6-aad sannad walba.

Shirweynaha 1-aad ee Carruurta Somaliland oo ah kii ugu horreeyey ee dalkeena lagu qabto, waxa si aad u qiimo badan u soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha Qaranka JSL iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay wada shaqaynta la leh Wasaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaa ka jeediyey khudbad aad u qiimo badan, ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Somaliland ay tahay maalin loo asteeyey is xasuusinta muhimadda uu ubadku inoo leeyahay iyo xilka culus ee dhammaan bulshada JSL ka saaran ilaalinta xuquuqda carruurta iyo sharaftooda, isla markaana aynu maal-gashano mustaqbalkooda, isaga oo yidhi:

“Waa Masuuliyad Diini ah, waa Waajib Sharci ah, waana Xil Waddaniyadeed oo qof kasta saaran.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in aanay suurto gal ahayn in Qarankeenu uu sameeyo horumar, haddii aynaan xoogga saarin daryeelka iyo wanaagga carruurteena. In aynaan Caddaalad ka hadli karin haddii carruurteenu aanay haysan xuquuqihii aasaasiga oo ay ugu horreeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadku.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nafaqada ay yihiin Tiirarka Koritaanka ubadkeenna, si ay u gutaan waajibaadka Qarannimo ee Mustaqbalka, waxana uu yidhi:

“Carruurta Somaliland waxa aan ugu bishaaraynayaa in ay udub dhexaad u yihiin Qarankooda, in Codkooda la maqlayo, in laga caawinayo gudashada waajibaadkooda, iyo sidii ay riyooyinkooda u rumayn lahaayeen.”

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this