Sign in to follow this  
Liqaye

Guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir oo galabta guddoomin doona fadhi ay

Recommended Posts

Liqaye   

Guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir oo galabta guddoomin doona fadhi ay yeelanayaan ganacsatada ka soo kala jeeda beelaha ay ka dhasheen

 

Muqdisho

 

Guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir Max’ud C/kariin Cali (Gabeyre) oo xubin ka ah guddi nabdeyn ah oo uu dhawaan ku dhawaaqay Imaamka beelaha Hiraab Imaam Max’ud Imaam Cumar ayaa lagu wadaa in uu galabta guddoomiyo fadhi ay ku yeelanayaan Waqooyiga Muqdisho ganacsatada beelaha Warsangali iyo Wacbuudhan oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka soo cusbnooday deegaano ka tirsan Waqooyiga Muqdisho.

 

Warkaan oo aanu ka soo xiganay idaacadda Horn Afrik ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayey idaacaddu sheegtay in ganacsatadu kaga hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa xiisadda soo kala dhex gashay dhinacyada walaalaha ah ee ka soo jeeda beesha Mudulood.

 

Guddoomiye Gabeyre oo xubin ka ah guddiga nabadeynta ee xallinta dagaalka u dhaxeeya dhinacyadaasi ayaa sheegay in dagaal uusan wax faa’iido ah u laheyn shacabka, isla markaana loo baahan yahay in lala yimaado ALLE ka cabsi, lagana digtoonaado wax kasta oo abuuri kara xiisad colaadeed, wuxuuna guddoomiyaha midowga ganacsatada gobolka Banaadir ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Waqooyiga Muqdisho in ay khilaafaadkooda ku dhameeyaan wada hadal una turaan shacabka danyarta ah ee horey u soo daashaday dagaalada sokeeye, isaga oo xusay in magaalo madaxda Muqdisho ay maanta u baahan tahay nabadgalyo iyo xasilooni, balse aysan u baahneyn colaad hurin iyo dagaal.

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

wow slow down boys, before this goes down south let me atleast clarify.

I thought that the automatic posting censor was going to take care of the qabiil names in the post.

Secondly i posted the article because of the potential for peace it conveys.

 

Waryaa jamacow i told you to watch and learn before bouncing into topics like that.

 

Just a little advise from a guy who aint going to watch you do it again :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this