Sign in to follow this  
Deeq A.

Imtixaanka dugsiga sare oo bilowday iyo diyaarado markii u horeysay ka qayb qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga billowday imtixaanka shahaadiga ah, fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024/2025, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada, waxaana u fariistay ilaa 39,397 arday, iyada oo sanadkan ay fududeeyeen diyaaradaha ciidamada Xoogga oo imtixaanka geeyay gobollada dalka.

Imtixaanka ayaa waxaa daah-furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo ay wehinayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, iyada oo ra’iisul wasaaruhu toos u qayb-biyay imtixaanka shahaadiga ah.

Xamza Cabdi Barre ayaa ardayda imtixaanka galaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysa kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la galiyey.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyey dhammaan ardayda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladdu ay ku dadaashay in kor loo qaado helitaanka waxbarasho bilaash ah iyo macalimiin ay bixineyso mushaarkooda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in sanadkan ay imtixaanka door lixaad leh oo muuqdo ka qaateen diyaaradaha ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay ugu geeyeen deegaannada fog fog ee ay ku sugan yihiin.

“Waxaa xusid mudan in ay si wayn uga qayb-qaateen markii ugu horreysay diyaaradaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo iyagana aan u mahadcelinayo inay qaadeen imtixaanadaas oo ardayda Soomaaliyeed ugu geeyeen deegaannada fog-fog” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadashay wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Xildhibaan Nuura Mustaf Mukhtaar oo sheegtay in imtixaanka lagu galayo 140 goobood oo 64 kamid ah ay ku yaallaan magaalada Muqdisho, waxayna ardayda kula dardaarantay inay ilaaliyaan habsami u socodka imtixaanka

“Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee imtixaanka ka qayb qaadaneysa guul, waxaan kula dardaarmeynaa ilaalinta habsani u socodka imtixaanka ” ayay tiri wasiiru dowlaha wasaaadda waxbarashada Soomaaliya.

Imtixaankan ayaa waxaa si wadajir ah looga fariistay maanta gobolka Banaadir iyo shan dowlad goboleed oo kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabelle iyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale Puntland ayaa qeyb ka aheyn Imtixaanka dowladda, iyadoo si gaar ah u qaada Imtixaanka ardeyda fasalka 12-aadee dugsiyada sare ee ku yaalla maamulkaasi, waxaana jira khilaa guud oo haatan kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

506452179_1236356668530937_2210427466521 506456141_1236356705197600_3776959487930 506469802_1236356615197609_1175001068068 506476697_1236356611864276_8817028271636

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this