Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Deni oo shaaciyay laba magaalo oo lagu cuno mashaariicda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maaxweynaha maamul-goboleedka Puntand Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta mashaariicda waawayn ee laga fuliyo gudaha dalka, isaga oo shaaca ka qaaday in lagu cuno Nairobi iyo Muqdisho.

Deni oo hadal ka jeediyay munaasabad xariigga looga jaray Buundada cusub ee Garoowe ayaa sheegay in inta badan la masuq-maasuqo mashaariicda loogu talagalay Soomaaliya, wuxuuna eedeymo u jeediyay dowladda dhexe.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in mashaariicda gaar loo xiro dad kooban, isla-markaana laga sameeyo dhaqaale fara badan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaabaha aan ka digeyno waxaa weeye mashaariicda la siyaasadeynayo oo ula jeedada laga leeyahayna ay tahay in dhaqaalo laga raadiyo kuwa dhaqaalaha laga doonay ee dadka gaarka ah lagu naas nuujiyay wajigooda waad argtaan wax ka qabsoomay ma leh” ayuu yiri.

Saciid Deni ayaa ku faanay in Puntland ay iyadu wax qabsatay, ayna ku daadashay in sida ay tahay looga faa’iideysto howlaha mashaariicda ee deegaannada maamulkaasi.

“Mashaariicdii saxda ahaa ee tartanka loo galay ee shirkadaha lagu kormeeray waa fuleen, waxayna yeesheen muuqaalka aad maanta aragteen”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, isaga oo sheegay in weli uu socdo, guullo waawayna laga soo hooyay.

Waxaa kale oo uu u mahad-celiyay shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee taageerada u fudiyay ciidamada howlgallada wada ee ku sugan gobolka Bari.

“Waxaan rabaa inaan u mahad-naqo reer Garoowe garab istaagii ay u muujiyeen howlgalkii ka socday Calmiskaad, qaybta ay ka qaateen ee taakuleynta” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Puntland uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda federaalka oo ay kula tageen arrimaha siyaasadda dalka, waxaana go’an wada shaqeynta labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this